Waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, maalinta xorriyadda 1-da Luulyo, iyo israaca gobalada koonfur iyo waqooyiga Soomaaliya.
Halgankii dadkeenu u galeen xornimada aan maanta u dabaaldegayno, waxaa door weyn ka qaatay dhalinyaradii ragga iyo haweenkaba lahaa ee qalbiyadooda u mideeyay, sidii ay ummada uga samata bixin lahaayeen heeryadii gumeysiga.
Waxaa jiilka maanta jooga ee dhalinyarada ah looga baahanyahay in ay qalbiyadooda ka nadiifiyaan qabyaalada, oo aan ognahay sida ay u burburisay Qarannimadeenii.
Qarannimo iyo qabyaalad meel ma wada galaan, waxa aan baahi u qabnaa, qarannimo caadifad qabiil ka maran.
Dhalinyaro maanta waa doorkiinii, qayb ka noqda dib u dhiska dalkeena, si aan wadajir ugu samata bixino qarannimadeena aan u helno, dal nabad ah iyo dowlada wanaagsan.